Cadaado Way foolaneysaa… W/Q: Maxamed Dhagacade

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cadaado Way foolaneysaa… W/Q: Maxamed Dhagacade

Khilaafka Madaxda dowlad goboleedka Galmudug ayaa wali ka taagan magaalada Cadaado, Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ayaa ku xaniban Madaxtooyada Cadaado muddo ka badan saddex todobaad. Xildhibaanada ayaa u kala jaban laba garab, garabka Madaxtooyada iyo garabka Hotel Mansuur.

Madaxda sare Dowladda federaalka ayaa hoosta ka xariiqay in ay meesha ka saaraan Axmed Ducaale Xaaf, iyagoo wata Siyaasi Axmed Shariif Hilowle. dhanka kale Mr. Xaaf ayaa ku mitidaya sidii uu xajisan lahaa kursigiisa, saraakiisha ciidamada badan kood ayaa taageersan Madaxweynaha Galmudug.

Labadii maalmood ugu dambeysay ayaa Cadaado waxaa dib ugu soo laabanayey Xildhibaanada taageersan aragtida Madaxda Dowladda Federaalka, 18 bishaan ayaa ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Galmudug waxay isku dayeen in joojiyaan xildhibaano kasoo dagay garoonka Cadaado, taas oo shidaal ku sii shubtay khilaafkii taagnaa.

Dhanka kale Shir xalay ka dhacay Madaxtooyada Cadaado oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale iyo saraakiisha ciidamada ayaa amar lagu siiyey in ay magaalada ka nadiifiyaan kooxaha kasoo horjeeda Madaxweynaha. waxaana saaka mar qura magaalada ku waabariisatay dhaqdhaqaaq ciidan.

Sidoo kale ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in xildhibaanada kasoo horjeeda Mr. Xaaf ayaa qorsheeyeen in 22 bishan ay hotel Mansuur oo fadhiisan u ah ku qabtaan doorashada Madaxweynaha, taas oo suurtagal ah in ay keento isku dhac labada dhinac ah. Dhanka kale  Maalinimadii shalay ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Wasiirka Warfaafinta Galmudug isagoo dowladda ku eedeeyey in ay abaabulayso doorasho ayna sii hurinayso khilaafka madaxda Galmudug.

Waxgaradka degmada Cadaado oo maanta shir deg deg ah isugu yimid ayaa soo saaray go’aanno ay ku taageerayaan bayaankii horey ay u soo saareen odyaasha Cadaado oo ahaa in aan wax doorasho ah magaalada lagu qaban karin, iyo in Madaxda Galmudug khilaafkooda ku dhameystay dastuurka.

khilaafka Madaxda Galmudug ayaa u muuqda inuu ku dhamaan doono is maquunin, halkii laga sugayey in ay u turaan shacabka ay maamulaan oo la daalaadhacay abaaro iyo horumar la’aan. shaqooyinka xafiiska dowladda ayaa ku dhow in ay istaagaan, waxaana Galmudug ayaan u yeelatay khilaaf ragaadiyey maamulkeeda, Madaxda ayaa ku yimaada lacag, waxaana lagu barabixiyaa lacag , taas oo ka dhigan in ninkii Madaxda noqda Galmudug uusan dhameysan doonin mudada Xilhayntiisa.

Gabagabadii Cadaado ayaa foolanaysa, waana fooshii ugu xumeyd tan iyo dhismihii Galmudug, iyadoo dhammaan madaxda xilka iska qaaday, taas oo ka dhigan ciyaar bilow cusub.

W/Q: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud – Ceelhuur Online

www.ceelhuur.com