Stoke City Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge

Ciyaaraha

Stoke City ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge inuu diirada u saaran yahay marka uu suuqa kala iibsiga furmo bisha Janaayo.

Horaantii Isbuucaan, Potters ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo Sturridge saaxiibkiisa Danny Ings, kaasoo loo ogolaan lahaa inuu ka tago Anfield xilli ciyaareedka 2018ka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, tababaraha Stoke Mark Hughes ayaa sidoo kale indhaha ku haya inuu tijaabada caafimaadka u maro Sturridge dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay amaah ku fasaxdo 28 jirkaan, inkastoo uu xilli ciyaareedkan ku maqan yahay, laakiin kooxda The Staffordshire ayaa dooneysa inay isku daydo inay heshiis la gaarto kooxda ka dhisan Merseyside.

Southampton ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso Sturridge, waxaana ay heystaan lacago ay ku qarash gareynayaan iibinta Virgil van Dijk oo ku biiray kooxda Jurgen Klopp horaantii Isbuucaan.

Sturridge ayaa ciyaaray kaliya 100 daqiiqo kubada cagta tan iyo bilowgii bishii November.