Deg Deg:Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo oo goor dhow furmay

Uncategorized Wararka Maanta

Shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah uga furmay goordhow  magaalada Kismaayo kadib markii ay halkaasi gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.Shirkan oo uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loogaga hadli doonaa arrimo kala gedisan oo quseeya siyaasada dalka Soomaaliya.

Madaxda shirka qeybgalaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland, Koofurgalbeed iyo Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) ayaa furay shirka, waxaana Madasha la filayaa inay ka hadlaan madaxweynayaasha maamullada dalka ee ka qeyb galaya shirka.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kahor inta uusan bilaaban shirkan uu iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada ay ku sugnaayeen Madaxda dowlad goboleedyada dalka. waxaana si wayn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Kismaayo iyo Xarunta Martida oo uu Shirku ka dhacayo

Sida ay inoo xaqiiijiyeen Masuuliyiin ku sugan hoolka Shirka ku sugan Shirkan oo 8-da Bisha loo qorsheeyay ayaa la sheegay in caawa uu noqon doono furitaan iyo khudbado ay jeedinayaan madaxda maamullada, halka maalinta berri uu si rasmi a u furmi doono.

Halkaa kala soco Wararka la xariira shirka Kismaayo Insha allah

Ceelhuur.com