Halyeeyga Juventus David Trezeguet ayaa sheegtay in Paulo Dybala uu ku guuleysan karo Ballon D’Or mustaqbalka.
23 jirkaan ayaa ku riyaaqay bilowgii xilli ciyaareedkii 2017-18 ee Allianz Stadium, isagoo dhaliyay 12 gool 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Dybala ayaa dhaliyay 54 gool islamarkaana 18 kale caawiye ka ahaa 104 kulan oo uu u saftay Bianconeri, taasoo keentay in Trezeguet ay uu xiddigga reer Argentine u rajeeyay sanadaha soo aadan uu noqdo xidiga ugu fiican aduunka.
“Dybala waxa uu ku guuleysan karaa Ballon d’Or, maadaama aan u maleynayo inuu muujinayo dabeecad sax ah,” ayuu Trezeguet u sheegay ItaSportPress.it.
“Waxaan inta badan maqlaa isbarbar dhiga u dhaxeeya Dybala iyo Lionel Messi, laakiin waxaan u maleynayaa inay muhim weyn u tahay isaga islamarkaana caawin kara inuu hormaro.”
Dybala ayaa qandaraaskiisa Juve u saxiixay ilaa June 2022, isagoo qalinka ku duugay heshiis cusub bishii April ee sannadkan.
W/Q Hafsa haji