James Swan oo Walaac ka muujiyey Doorashada Jubbaland

Wararka Maanta

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warqaddan oo uu u direy guddiga doorashada Jubbaland, waxa uu ku sheegay in aysan taageeri doonin natiijada doorashada haddii aan wax laga qaban baa layidhi walaacyada jira;

“Guddiga doorashada haddii uusan wax ka qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubbaland” ayaa lagu yidhi qoraalka.