Ciidanka Danab oo Howlgal ka fuliyey deegaanka Camaara gobolka Mudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran Danab ee Qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Camaara gobolka Mudug. Camaara ayaa 200 km bari uga beegan tahay degmada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug.

Ciidankan Howlgalka fuliyey oo ka yimid Gaalkacyo ayaa aroortii hore ee saaka lagu arkay xaafadaha Camaara, goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidanku qabteen 3 ruux oo bartilmaameed u ahaa.

Ciidankan oo watay gaadiid dagaal ayaa dib uga baxay Camaara kadib markii fuliyeen howlgalkooda, iyagoo horey u watay 3 ruux oo ay magaalada ka qabteen. Ciidan ayaa ku baxay  jihada deegaanka Bacaadweyn gobolka Mudug.

Todobaadkii hore ayaa sidan kale ciidanka Danab waxay nin dhalinyaro ah ka kaxeysteen Magaalada Baxdo gobolka Galgaduud, iyagoo la aaday dhanka Gaalkacyo saldhigga ugu weyn.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com