Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo safar caafimaad u aaday Dalka Kenya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa Magaalada Galkacyo ka ambabaxay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynaha ayaa u baqoolay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Guuleed ayaa Maalmahaan ku sugnaa magaalada Galkacyo, wuxuuna ahaa bukaan socod, isagoo xaalad caafimaad iyo nasiino u aaday Nairobi, waxaana Dhakhaatiirtu kula taliyeen in ay inuu ka nasto siyaasada iyo buuqa.

Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi ayaa Mudooyinkanba  ku sugnaa magaalada Galkacyo, isagoo sii wado doona howlaha shaqo ee Madaxtooyada Galmduug.

Mr. Guuleed ayey suurta gal tahay inuu ka fadhiisto siyaasada, Maadaama ay sidaasi kula talliyeen dhakhaatiirta, waana arin ku xiran sida uu noqdo caafimaadka Madaxweynaha.

wixii ku soo kordha kala soco www.ceelhuur.net

FB_IMG_1471175758380 FB_IMG_1471175778997-640x360 FB_IMG_1471175786894-640x360

 

Comments are closed.