Darafta Dastuurka la helay waa Dar Xumo Cusub!!

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Darafta Dastuurka la helay waa Dar Xumo Cusub!!

Gudoomiye ku Xigeenka 1-Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey oo horay uga dhawaajiyay in Dastuurka lagu Shaqeeyo uusan ahayn kii Rasmiga ahaa,  lana Xaday Dastuurkii Ergadu Saxiixday ayaa keenay Nuqul kamid ah Dastuurkaas.

Hadaba maxuu yahay Dastuurka la soo helay?

Muudey Waxuu Golaha Shacabka u qaybiyay waa isla Dastuurka hada lagu Sheeqo oo Ergadii Saxiixeen 2012 mana jiro Saxiix kale oo ka danbeeyay Sanadkaas balse Golaha Shacabka ayaa Qodobo ka badalay Shantii sano ee uu Xilka hayay Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari Beesha Caalamka ayaana Marqaati ka ahayn mana fududaan doonto in markale Dib loogu laabto. Qobobada la badalay ee hada Muranka Cusub Dhalin doona.

1-Qodobka 91 Koobaad Mudada Xil haynta Madaxwaynaha Jamuuriyadda Federalka Somalia waxaana Dastuurka hada Muudey hor keenay Golaha ku qoran in Shan sano uu Haynayo Madaxwaynuhu Xilka Halka Dastuurka hada Shaqeeya 4 sano qeexayo Baarlamaankii 9ad ayaa Qodobkan badalay waaana Qodob Somali oo dhani ku horay ugu qanacday Madaxwaynana Xilka uga dagay.

2-Qodobka 9ad ee Dastuurka Gudoomiye Muudey soo helay waxaa ku cad in Caasimadda aan lagu heshiin oo Kadib Dib u eegiista Dastuurka la cadayn doono, Halka Dastuurka hada lagu Shaqeeyo uu qorayo in Muqdisho tahay Caasimadii Dalka balse Maqaamkeeda ay soo cadaynayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.

Qodobada ay Baarlamaankii hore Wax ka badaleen waxaa kamid ahaa in Madaxwaynaha Jamuuriyaddu uu kala diri karo Golaha Shacabka ayagoon dhamaysan Xil hayn tooda waxaana laga dhigay inaan Madaxwaynuhu kala diri karin Golaha Shacabka oo ah Hay,adda ugu awooda badan Dalka hadii uusan dhamaan waqtigoodu.

Dhamaan Qodobadaan waa kuwo lagu dhaqmayay 5tii sano ee la soo dhaafay balse ku noqo shadooda ayaa waji kale u yeeli doonta Didaalada lagu doonayo in la helo Dastuur aan KMG ahayn oo ka dhexeeya Umadda Soomaaliyeed.

Ayaa arintaan Gadaal ka riixaya?

Shaki ugu badan waxaa laga qabaa Taliska hada Shaqeeyaa ee uu Hugaamiyo Madaxwayne Farmaajo oo aan la ogayn Danta ugu jirta in Dib loogu laabto Caqabado laga soo gudbay, Waxaase dadka aadka ugu Dhuul daloola Sheegayaan in Maamulada qaar oo markii horaba aan ku qanacsanayn Shaqadii Baarlamaamkii 9ad ay doonayaan in dib loogu laabto Qodobadii la badalay, Ujeedka igu wayn ayaa ah inay ku qanacsanyihiin KMG nimada Dastuurka iyo kala cadayn la’aanta Awoodaha Hay’addaha Federaalka iyo kuwa Maamulada waxay kaloo tabanayaan in hadii Dastuurka hada lagu Shaqeeya sidii Dib u eegis loogu sameeyo ay ku waynayaan awood qaybsi ay Xaq u leeyihiin.

Isku soo wada duube Kadib Doorashada Gudoomiya Golaha Shacabka waxaa Golaha ka dhex furmi doonta Dooda Shaqo horay loo soo qabtay oo Khilaaf Cusub keenii doonta, waxaa kaloo Arintaani Curyaamin doonta Shaqada Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga Madaxbanaan dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, Waxaana hadii Isjiid jiidkaani bilowdo Waqtiga oo Awalba Cirri ahaa marka loo Fiirsho Howsha baxaada leh ee lagu doonayo in Somalia yeelato Dastuur afti loo qaaday oo laysku raaco Taliska Farjaamo meeshaas ku lumin doonaa Fursad qaali ah.

W:Q Ali Yare Abdiwahab Aden

Email: Caliyareg@gmail.com