In ka badan Labo Milyan oo Muslimiin Xujey oo maanta taagan Buurta Carafo

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Malaayiin qof oo Muslimiin Xujey ah oo ka kala tagay caalamka daafihiisa ayaa maanta taagan Buurta Carafo, si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee acmaasha xajka, iyadoo Muslimiinta kalena ee aan sanadkan xajin ay sooman yihiin maanta, si ay dambi dhaaf labo sano u helaan.

Xujeyda sanadkan xajineysa oo ka badan Labo milyan ayaa saaka aroortii u dareeray Buurta Carafo, si ay ugu gutaan mid ka mid ah rugniga ugu muhiimsan ee xajka, Nabi Muxamed (NNKH) ayaa yiri Xajku Waa Carafo, taasoo Culimada ay sheegeen in acmaasha ugu weyn ee Xajka inay dhaceyso maalinta Carafo.

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay u dareeri doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaada maqrib iyo cisho.

Faa’iidooyinka ay leedahay Maalinta Carafo ayaa ah mid aad u weyn, waxaana muslimiinta looga baahan yahay in maanta oo kale ay ka faa’iideystaan, isla markaana duceystaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan adeegyo cusub ku soo kordhisay Xajka, kadib markii sanadkii hore is buurasho ka dhacday Mina ay ku dhinteen boqolaal qof.

Dadka xujeyda ah ayaa gacmaha looga xiray aalado lagu ogaanayo halka ay joogaan, sidoo kale waxay u sahleysa hadii ay dhumaan inay ogaadaan halka ay joogaan.

Waxaa kaloo sanadkan adeego kala duwan la siiyay Muslimiinta Xujeyda ah ee ka socda Soomaaliya, si ka duwan sanadihii hore, waxaana loo dhameystiray wax kasta oo aas aasi u ah ee ku aadan xajka, sida goobaha la dajinayo, baabuurta lagu soo qaadayo iyo adeegyo kale.

Maalinta berri oo ah 10-ka Carafo waa Maalinta Ciidul Adxa , waa ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, si uu u sadaqeysto.

Hadaba waxaa dhamaan Umaddaha Islaamka, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyneynaa soo galida Ciida Carafo, anagoo Alle uga baryaynay dambi dhaaf, naxariis iyo in Alle dhibka ka dulqaado.

Comments are closed.