Faroole “Xasan Sheekh, hada kadib waa in loogu yeeraa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya”

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka dhamaatay sharciyadii uu xafiiska ku joogay muddo afar sano ah.

Faroole oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ugu baaqay Madaxweyen Xasan Sheekh inuu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sida uu qabo dastuurka.

“Afartii sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh xilka hayay waxay ku dhamaatay meel cidlo ah, dastuurka qodobadkiisa 91aad iyo 95aad wuxuu qabaa in afar sano ay ka dhamaatay, isla markaana xafiiska baneeyo, kuna wareejiyo Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole oo sii hadlayay ayaa yiri “Waa Afar sano oo khasaaro ah, afar snao NGO ah, Afar sano oo bililiqo hantidii dowladda la boobay iyo Baarlamaanki sharciga ahaa oo laga tallaabsaday, wixii hada ka dambeeya waa in Xasan Sheekh loogu yeeraa Madaxweynihii hore, aniga iyo isagana waxaa nahay isku mid sida la igu yeero oo kale Madaxweynihii hore ee Puntland”

Mr Faroole ayaa sheegay in 9-kii bishii Agosto ee tagtay ay Madasha Wada-tashiga Qaran ay si sharci darro ah muddo kororsiimo ugu sameeyeen Madaxda sare ee dowladda illaa 30 October, isagoo xusay in arrintaas aan loo marin Baarlamaanka.

“Madasha Wada-tashiga Qaran ee ka kooban Madaxda sare iyo Maamuladii dowladda federaalka xubinta ka ahaa ee Xamar isugu tagay war murtiyeed ayay soo saareen sida doorashada u dhaceyso iyo muddo kororsi loo sameeyay nimanka xilalka haya illaa 30-October, taasoo sharci darro ah, Baarlamaankana lama hor-geyn, Madasha wax sharciyad ah uma lahan inay xil kordhiyaan iyo in dastuurka wax ka bedelaan”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Faroole ayaa sheegay inuu xubin ka yahay Isbaheysiga is bedel doonka ee Musharixiinta Mucaaradka, isagoo xusay in Golaha Ammaanka ay u qoreen qoraal ay ku cadeynayaan in aanay jirin wax sharciyad ah oo muddo kororsi kale oo xafiiska lagu sii joogo sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii la soo saaray jadwalkii doorashada bishii hore aanay jirin wax tallaab ah oo la qaadan.

C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay wakiilada Beesha Caalamka ay fara gelin ku hayaan siyaasada dalka, isla markaana joojiyaan waxyaabaha qaar ee ay wadaan, taasoo uu xusay inay ku taageerayaan siyaasiyiinta dowladda ka mid ah.

Musharaxiinta Mucaaradka iyo Xisbiyada siyaasada ee ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu xafiiska baneeyo, kuna wareejiyo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo caddeeyay inay dacwad u gudbin doonaan Maxkamada sare ee dalka.

Comments are closed.