HIR-SHABELE, BARIIRE, RUGTA GANACSIGA & QALBI-DHAGAX

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

HIR-SHABELE, BARIIRE, RUGTA GANACSIGA & QALBI-DHAGAX

Bil gudaheed waxaa dhacay 4 dhacdo oo gilgishay dawlada fedaraalka una baahan in loo helo xal ka dabatag ah, hadii kale waxey reebi kartaa saameyn Siyaasadeed iyo mid dawlad-nimo.

A. Xil ka qaadistii Madaxweynihii Hir-shabele Cali C. Cosoble waxaa ka dhashay Hiiraan-land oo Madaxweyne u doorteen Cosoble mar kale, waxeyna u egtahay in ay ka dhala karto laba Maamul sida; Cadaado iyo Dhuusa-mareeb oo kale.
B. Bariire waxaa ka dhashay; kala aragti duwanaan dawlada iyo qaadista mas’uuliyada dadkii lagu dilay Bariire iyo Magdhaw laga bixiyey wixii dhacay, taasna waxaa ka dhala kara in cid kasta oo horay loo dilay ama gadaal laga dili-doono Megdhaw laga bixiyo.

C. Kala eryidii Rugta Ganacsiga waxaa ka dhashay laba garab oo Ganacsato ah iyo dawlada oo la kala safay iskuna khilaaftay xalkeeda.
D. Dhiibistii Qalbi-dhagax waxaa ka dhashay kala shaki iyo is tuhun dhexmaray dawlada iyo shacabkeeda, markii uu soo baxay warku, dawladuna ka aamustay, markii horena lagu doortay wadani-nimo kadibna loo aqoonsaday dawlad shacab oo ka fog fara-gelin iyo saameyn shisheeye.

Hadaba su’aasho waxey tahay; yaa ka danbeeyey dhacdooyinkaan in ay sidaan u dhacaan! Dawlada dhexdeeda miyaa? Mucaaradka miyaa ka danbeeya? Shisheeye miyaa u deberay oo ka danbeeya? Si caadi ah miyey u dhaceen? Dhaawac intee la eg ayey geysan karaan?.

Waxaan rabaa laba qodob oo aad looga dooday in aan aragti ku darsado;
1. Jinsiyada Somaliya iyo waajibka ka saaran dawlada ilaalinta Muwaadinka;
Dastuurkeyna iyo dawladaheyna 1960 ilaa 2017 waxaa Muwaadin Somali ah qof kasta oo u dhashay 5 ta Beelood, meel kasta oo uu ka joogo Aduunka, Jinsiyad kasta oo uu heysto, meel kasta oo uu ku dhashay ama uu deganyahay, xil kasta oo uu hayo, hadii aan la bedelin Qaanuunkaas qof kasta oo ku abtirsada 5 ta Beel xaq ayuu ugu leeyahay dawlada in ay ilaaliso Naftiisa, Maalkiisa iyo Sharaftiisa. Tusaale: hadii Madaxda dawladu haysato laba Jinsiyadood ama ka badan, micna gaar ah malaha in qofku haysto Jinsiyad Itoobiya ama Kenya ama Jabuuti, hadii uu ku abtirsado 5 ta Beel.

2. Fasiraada Arga-gaxisada: dawlad kasta qaab iyada u gaar ah ayey u Fasirataa! Tusaale: dawlada South Africa 70 – 80 aad Nelson Mandella waxey u taqiin Arga-gaxiso Somaliyana xaq u dirir, Israel Yasir Carafaat waxey u taqiin Arga-gaxiso, Carabta iyo dawladaha Islaamkuna waxey u yaqiineyn Mujaahid Xaq u dirir ah. Hadii Itoobiya Arga-gaxiso u taqaan ONLF & WSLF Somalidu waxey u taqaanaa xaq u dirir iyo gobanima-doon, kumana qasbana in ay isku fasir ka noqdaan, sida Somaliya waxey Arga-gaxiso u taqaanaa Shabaab lkn dawlado ayaa u yaqaan Mujaahidiin.

Hadaba Shacabku waxey xaq u leeyihiin in dawladu u sharaxdo ama u faah-faahiso wixii dhacay iyo cidii ka danbeysay iyo sababa ay u dhaceen iyo xalka sida ay u rabto! Si loo baajiyo is faham-waa dadka iyo dawlada iyo gaab kala gala dawlada iyo shacadkeeda.

W/Q: Maxamed Gacal