Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Wararka Maanta

Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa markii u horeysay soo bandhigay Nambar ka gurmadka deg dega, kaasoo shacabka ay ka soo wici karaan hadii ay la kulmaan khatar amni.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hey’adaha ammaanka, oo ay gacan ku siiyaan sugida amniga.

“Shacabka waxaa looga baahan yahay inay kaalin ka qaataan Sugidda ammaanka, wax walba oo amniga khatar ku ah ay ku soo war geliyaan Ciidamada amniga”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in shacabka ay ka soo wici karaan Taleefan nambarkiisa yahay 991, hadii ay dareemaan falal amniga ka hor imaanaya.

“Waxaan shacabka ku wargelineynaa inay laamaha ammaanka ka soo wici karaan Nambarkan 991, hadii ay la kulmaan khatar amni ama ay dareemana falal ka hor imaanaya ammaankooda, si ciidanka ay si deg deg ah ugu howl galaan”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Nambarkan gurmadka deg dega ah ayaa noqonaya markii u horeysay ee laamaha ammaanka soo bandhigaan, kaasoo la doonayo in shacabka ay ciidamada kula wadaagaan wixii xogo oo la xiriira amniga.

Dalalka Caalamka sida Mareykanka ayaa leh Nambar gurmad deg deg ah oo ah 911, kaasoo loogu tala galay in dadka markii ay khatar la kulmaan ay soo wacaan.

Comments are closed.