Henrikh Mkhitaryan: “Waxaan U Maleynayaa Inaan Horumar Sameynaayo”

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa shaaca ka qaaday inuu si aad ah u shaqeynayay si uu u u joogteeyo horumarkiisa kooxda Premier League.

Ka dib markii uu si tartiib tartiib ah u bilowday ololihii hore, Mkhitaryan ayaa ka soo muuqday mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee United tartankii Europa League, taasi oo ay kooxda Old Trafford  ku guuleystay bishii May.

Kubadsameeyaha maahan inuu xooga soo saaro kubada cagta England, laakiin ka dib markii uu hal gool dhaliyey iyo shan kalena caawiye  tartamada kala duwan , Mkhitaryan wuxuu kalsooni ku qabaa inuu sii wadi doono horumarinta kubadiisa.

28 jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan qabaa in xilli ciyaareedkii hore uu ka duwanyahay xilli ciyaareedkan.

“Aad ayaan u tababaranayaa, si aan ugu diyaargaroobo ciyaaraha Premier League, waan bilaabay xilli ciyaareed  fiican, anigana si fiican ayaan u shaqeynayaa si aan u caawiyo kooxda.”

Mkhitaryan ayaa la filayaa inuu ciyaaro marka United ay wajaheyso CSKA Moscow habeenka arbacada.

W/Q Hafsa haji