Cumar filish oo kulan gaara laqaatay ku xigeenada G.benaadir

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulankii u horeeyay la qaatay Guddoomiye kuxigeenada maamulka iyo Xoghayaha Guud.

Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa in la dardar geliyo howlaha ay dowladda hoose ee Xamar iyo adeegyada kala duwan ay u heyso bulshada ku dhaqan Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa mas’uuliyinta Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir ka dhageystay warbixin ku saabsan ammaanka xarunta gobolka Banaadir iyo tan magaalada guud ajaanteed, isagoo xubnahan faray in la dar dar galiyo adeegga loo hayo Bulshada.

Waxaa uu caddeeyay inuu joogteyn doono, isla xisaabtanka, taasoo ah mid ka mid ah tiirarka Siyaasadiisa Hoggaamineed ee uu gobolka ku maamuli doono.