Faa-Faahin:Wararkii Ugu Danbeeyay Dad lagu Toogtay Muqdisho iyo Afgooye

Wararka Maanta

Dabley hubeysan ayaa xalay xaafada Koodka ee degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen laba dhalinyaro oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dhalinyarada xaafadaasi.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay, waxaana ilaa hadda la soo qabtay dhowr dhalinyaro ah, oo laga shakisan yahay, kuwaasi oo Ciidamada ay gacanta ku hayaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay daabaceen in ay dileen labo Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya.

Todobaadkan gudihiisa ayaa magaalada Muqidsho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay  Al-shabaab.

Dhankale Labo qof ayaa lagu dilay degmada oo kala ahaa qof ka tirsan Nabadoonada degmada Afgooye iyo mid ka mid ah Ciidamada Soomaaliya, waxana fuliyay dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dilalkaasi laguna raad joogo dadkii ka dambeyay dilalka ka dhacay Afgooye.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhacaan dilalka inta badan, waxaana muuqan ilaa hadda wax ay ka qabtayn Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi.