Xilka Sanka u Mari !!

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Tan sidii loo ridey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Mudana Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Xukuumada Dardargelisey oo si Xawaare leh u socda Xil  ka qaadis iyo Xil u Magacaabid taasoo ay si aad ah ugu Wareereen Bulshada Soomaaliyeed kuna Tilmameen Xil Ka Qaadistaan mid sii ragaadineysa Horusocdkaa Dowladda Kalsoonida  Shacabka.

Qaar ka mid Xubnaha Xilka laga qaadey oo aan wax ka weydiiyey habka Xil ka qaadista ayaa waxay ii sheegeen in Dowladda aysan faaiido ugu jirin Isbedelka Xilalka ee Deg deg ah iyagoo intaas raaciyeen “Waxaa heshiisyo Hirgelin Mashaariic la galney Dowlado , Shirkado iyo Hayado kuwaas Lagu hormarin lahaa  dalka ayey Xil ka qaadisteena ay keentey in Dib loola laabto Heshiisyadaas”

Sidoo kale waxaa wax ka weydiiyey Xil ka qaadistaan Deg dega ah mid ka mid ah Dadkii Xilka laga qaadey oo diidey in magaciisa la Xuso waxaana uu yiri “Ma xuma In Xilka la iska qaado hase yeeshee Waxaan Bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in Xilka qaadista Dowlada ay salka ku hayso sidii loo qancin lahaa Xildhibaanada Mooshinka ka keeney ama u ololeeyey Xil ka Qaadistii  Mudane Jawaari” waxaa uu intaa ku darey.

“ Xildhibaanada ka qayb qaatey Ridistii Jawaari ayaa Xukuumada ku wargelisey in ay soo eeegtaan  Boosas ama Waxyaabo kale oo lagu abaalmariyo waxaa la yaab leh in Xajkii sannadkaan uu u Xayiran yahay Qancinta Xildhibaanada Jawaari ee sida xaqdarada u ridey marka waxaa Xaqiiqo ah  Xukuumada aaney Xiligaan rabin in ay u shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed” waxaa uu intaa ku darey.

“Waxaa si cad nalagu sheegey Hadii aan nahay Golaha wasiirada ee aan ka mid ahaa  in wasiir kasta uu keeno Sadex ama Laba Xildhibaan oo Xilka ka qaada Mudane Jawaari waxaa la yaab leh in Xubnihii aan keeney mid ka mid ah in aniga la igu badeley oo sidaa aan ku waayey Xilkii aan hayey muddo Shan bilood ah waa ayaandaro soo wajahdey  Bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn ugu Kalsoonaa Dowladooda marka yaan lagu Cayaarin Ummada oo aan ogahay maanta in qaarkood Baahi Guryahooda la jiifaan ”

Gabar ka mid ah  kuwa laga qaadey Xilka ayaa iyana Tiri “Waan Garanayaa Xildhibaanka Xilka iga qaadey waxaan ku sheegaaa in kuwaan ay Beri tagi doonaan oo waxa isku soo hari doona ay tahay aniga iyo adiga sidaa darteed taariikhda ayaa ku Xusi doontaa,  qofka aad maanta keentey isagana beri baa la eryayaa marka “Waa la Doogiye yaan la  Dacaroon

“Waxaan ku talin lahaa in Dadka Doonaya in ay Xil Waqtigaan ka raadiyaan Dowladda in aysan ku kaadsoomin  waa laga gudbey Hebel Xilka waxaa uu yahay  Lix Bilood, Sadex Bilood , Laba Bilood, Hal bilood  maanta waxaa uu taagan tahay “XILKA SANKA U MARI” oo marka uu sidaa u Carafsado ka qaad sidaa darteed Qancinta Xildhibaanada waxaa ka sii daran haddii aadan NACAMLEEYE  noqoneyn waa adag tahay in aad ku sii jirtey Dallada Xukuumada Nabad iyo Nolol”   ayuu yiri Xubin Xilka laga qaadey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494