Manchester United Oo Weli Doon Dooneysa Ivan Perisic

Ciyaaraha

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Inter Milan Ivan Perisic.

Perisic ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford xagaagan, laakiin Inter ayaan diyaar u ahayn inay iska iibiso ciyaaryahanka reer Croatia, kaasoo ugu danbeyn saxiixay qandaraas cusub oo muddo dheer ah oo uu kula joogo kooxda reer Talyaani.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, heshiis cusub oo uu Perisic u saxiixay ayaa ah inay ilaaliso qiimaha uu ku leeyahay suuqa kala iibsiga, United ayaana ku soo laaban doonta xiisaheeda marka suuqa kala iibsiga jiilaalka uu furmo.

Perisic ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku bandhigaya Inter xilli ciyaareedkan – isagoo dhaliyay 7 gool, sidoo kale lix caawiye ayuu ka helay 16 kulan oo Serie A ah.

28 jirkaan ayaa weli la rumeysan yahay in lagu qiimeeyo £ 45milyan, taas oo aheyd in United aysan diyaar u ahayn inay kulmaan  labada kooxood ay ka wadahadalaan intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.