Muqtaar Roobow”Maahi Sargaal isi Soo Dhiibay

Wararka Maanta

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in uusan dowlada federalka isku soo dhiiibin balse uu yimid kadib markii ay wadahadal yeesheen.

Muqtaar Roobow oo maanta kula kulmay magaalada Baydhabo qaar kamid ah weriyaasha magaalada Baydhabo ka howlgasha  ayaa ka codsaday inaysan ugu yeerin Sheekh Muqtaar Roobow oo isu soo dhiibay dowlada federalka.

“Aniga dagaal ayaan la galay Alshababa kadib markii ay isku dayeen inay i dilaan,balse isku soo dhiibin dowlada Soomaaliyee ee wadahadal aan la galay dowlada heshiis ayaan ku imid Xudur kadibna waxaan tegey Muqdisho.”ayuu yiri Muqtaar Roobow oo ay ka muuqatay kalsooni maanta markii uu la kulmay weriyaasha.

Hase yeeshee Muqtaar Roobow ayaa weriyaasha u sheegay inuusan maanta diyaar u ahayn in ay cod ama sawiro ka qaadaan balse uu ugu yeeray oo kaliya inay isbartaan.

“Meel fagaare ah ayaan bulshada kula hadli doonaa maalmaha soo socda markaasna waxaan balbalaarin doonaa qorshahayga.”ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wadooyinka magaalada Baydhabo lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay isagoo  dhex lugeynaya isla markaana dadka la sheekeysanaya.

Guddoomiye ku xigeenkii afhayeenkii hore ee Alshabaab Muqtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalada Baydhabo isagoo hore u soo maray magaalada Xudur halkaa oo ahayd halka oo uu tuulooyin ku dhow dhow muddo sanado ah ku noolaa.