Laamaha amniga Dhuusamareeb oo joojiyay shirarka siyaasadeed ee aan dowladu ogayn

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Laamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira in shirar siyaasadeed lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Amarada ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba shir aysan dowladda Federaalka ogeyn lagu qaban Magaalada Dhuusamareb, iyada oo warqado digniin ah loo geeyey Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada.

Sidoo kale laamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabo ay ka qaadi doonaan cidii qabata shir aysan ka warheyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay muddo kooban waxaa ay la wareegeen goob Mowlac ah oo ay ku sugnaayeen Culumo taageersan Ahlu Sunna, waxana la sheegay in joojiyeen howlihii halkaas ka socday.