Madaxweynaha Mareykanka oo baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Philippine

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte, kadib markii weerar afka ah lagu qaado.
Labada Madaxweyne ayaa ka qeyb galaya shirka wadamada koofur bari Asia oo ka dhacaya dalka Laos, waana markii u horeysay Madaxweyne Mareykan ah uu tago dalka Laos oo ah dal uu horay u gumeystay Faransiiska.

Madaxweynaha Philippine Duterte ayaa dhowaan si kulul u weeraray Madaxweynaha Mareykanka, isagoo ku tilmaamay canug ay dhashay habar jirkeeda ka ganacsatada

Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid weerar shaqsi ah, isla markaana Madaxweyne Obama uu go’aansaday inuu la kulmo Madaxweynaha Koofurta Kuuriya

Obama ayaa horay ugu eedeeyay Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte inuu taageero dadka ka ganacsada mukhaadaraadka, isla markaana geysta xadgudubyo isugu jira dilal, iyadoo aan wax maxkamad la soo taagin.
Qaramada Midoobey ayaa marar badan ku cambaareysay Madaxweynaha Philippine siyaasadiisa ku wajahan xuquuqul isnaanka iyo sida uu ugu tuntay qawaaniinta caalamiga ah.