Gudoomiye Mursal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho, gudoomiyaha ayaa ka hadlay xaalada Koofur Galbeed iyo khilaafka Madaxd Dowladda Federaalka.

Muxuu ka yiri Koofur Galbeed?

Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha”. Sidaas daraadeed waxaa mudan in la xusso in shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka biyo diidsanyihiin farogelinta xukuumada, ayna u baahanyihiin in ay u madax banaanadaan aayo ka talinta arimahooda gudaha iyo in ay doortaan cidii ay rabaan.

Baaq

  1. In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

  2. In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

  3. In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

  4. In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka
    guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

  5. In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah.

Muxuu ka yiri Khilaafka Madaxda Federaalka?

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay inuu Madaxtooyada uga soo guuray cadaadis iyo xanibaad lagu sameeyey xildhibaanadii u imaanayey, sidoo kale waxa uu sheegay in wali xukuumadda waddo xayiraadda socodka xildhibaanada soo booqanaya.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay xukuumaddu inay dhowr sharciga iyo madaxbanaanida Golaha shacabka.  Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in mooshinka ka yaala Madaxweynaha la waafajin doono sharciga.