Duqeyn Diyaaradaha Maraykanku ka geysteen Deegaanka Gandarshe

Wararka Maanta

Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose, warsaxafadeed kooban oo kasoo baxay Howlgalka Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaan ay diyaaradaha Maraykanku fuliyeen shalay 15 December 2018.

Howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyntaas ku dileen 8 Alshabaab, waxayna sidoo kale sheegeen in aan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah.

Deegaanada xeebta ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka ayaa dhawaanahaan waxaa ku dagaalamayey ciidanka Dowladda iyo Alshabaab oo muddo halkaas maamulayey, waxaana dhawaan qarax miino lagu dilay Taliyihii iyo Abaanduulihii qeybta 12ka April deegaanka Dhanaane gobolka Shabeelaha Hoose.

Maraykana ayaa sheegay in duqeymahan ay ku doonayaan in hoos u dhigaan awoodda ururka Alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Maraykanka ayaa kordhiyey duqeynta ay ka geystaan Soomaaliya, waxaana sanadkii hore 2017 dhacay 33 weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka, waxaana la filayaa in sanadkan 2018 weerarada duqeynta Diyaaradaha Maraykanku ka bataan tiradii sanadkii hore.