Kheyre oo 40 cisho kadib ku laabtay Muqdisho.

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib 40 cisho oo uu ku sugnaa deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii uusan ka tagin Dhuusamareeb booqday ciidanka Kumaandoosta Danab oo maanta la wareegay Amniga garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa deegaanada Galmudug ayaa caqabad badan kala kulmay beelaha Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna, wuxuuna isku dayey inuu ka guuleysto caqabadahaas, iyadoo u muuqata arinta Galmudug faanoole fari kama qodna.

Dhanka kale Ahlu Sunna iyo Kheyre ayaa isku soo dhawaansho sameeyey, inkastoo wali aysan heshiis rasmi ah kala saxiixan labada dhinac.