Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Adib Ababa

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya uu ka furmo Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, waxaana Shirkaasi Dalkeena Soomaaliya ku matali doona  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Addis Ababa.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika ayaa socon doona muddo labo cisho ah, waxaana shirkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Shirkaasi ayaa sidoo kale lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

Madaxda Afrika ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay yeeshaan kulamo gooni gooni ah oo looga hadlaayo xaaladda Afrika. Wadamada Afrika ayaa ku liita dhanka wareejinta xilka Madaxda, sidoo kale waxay kaalin hore kaga jiraan musuqmaasuqa. Dhammaadka shirkaan ayaa la qorsheynayaa in laga soo saaro warmurtiyeed.