Baydhabo oo maalintii 3aad Rabshado ka socdaan

Wararka Maanta

Waxaa maalintii saddexaad galay rabshadaha ka socda Magaalada Baydhabo kadib xarigii Mukhtaar Roobow, Magaalada Baydhabo oo saaka ku waabariisatay deganaan ayaa barqadii waxaa dib uga bilowday banaanbaxyo kadib markii ciidamadii itoobiya isku fidiyeen wadooyinka magaalada.

Ciidanka itoobiya iyo booliska Soomaaliya ayaa beegsanayey dadka dibad baxaya iyagoo xirxiray qaar ka mid ah, sidoo kale isgaarsiinta Baydhabo ayaa goordhow hawada laga saaray, waxaana muuqata in ciidanka itoobiyaanku isku dayayaan in ay maquuniyaan shacabka careysay.

Magaalooyinka Buurkahaba iyo Bardaale ayaa waxaa ka bilowday banaanbaxyo looga soo horjeedo xarigga Mukhtaar Roobow, dadka ayaa codsanaya in lasoo daayo Roobow.

Dhanka kale Mukhtaar Roobow oo maalintii saddexaad ku xiran xarunta NISA Muqdisho ayaa loo diiday in la kulmaan siyaasiyiin iyo ehaladiisa.

Warsaxafadeed kasoo baxay AMISOM ayey ku beeniyeen in ay lug ku lahaayeen xarigga Mukhtaar Roobow, waxaana ay sheegeen in ka xun yihiin xasilooni daradda kasoo cusboonaatay Koofur Galbeed.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay rabashadaha Baydhabo, sidoo kale dhinacyada ku lugta leh xaalada cakiran ee Baydhabo ku booriyey in rabshaduhu sii xumeyn karaan xaaladda bini’aadamnimo, waxayna ugu baaqeen dhinacyada in wadahadal  lagu dhameeyo qalalaasaha taagan.

“The following international partners* (listed below) are concerned about the recent events in South West State. We extend our deepest condolences for the death of the South West State assembly member and others who have died in the violence in Baidoa. We deplore all violence and any other acts that could exacerbate the humanitarian situation. 

The international community underscores that there should be unified support for the agreed framework governing the elections, and urges all parties to respect the integrity of the electoral process. We encourage constructive dialogue to resolve political differences and address other challenges in order to advance the political and economic progress of the country.

* =  Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM and the United Nations.”