Gudi kasoo tala bixiya wadooyinka xiran ee Muqdisho oo la magacaabay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta iyo ka soo tala bixinta qorshaha Waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa Guddoomiye u ah Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax, waxaa xubin ka ah Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir afar xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin Korneel ciidan.

Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu sheegay inuu la tashaday Hey’addaha amniga, lana tixgeliyay baahida loo qabo isu socodka Shacabka iyo Gaadiidka Muqdisho ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorshaha waddooyinka xiran ee magaalada, si xal loogu helo sidii dib loogu furi lahaa.

Guddoomiye Cumar Fillish ayaa dhowaan markii uu xilka la wareegay balan-qaaday in dib loo furi doono waddooyinka xiran oo ay shacabka ku qabaan dhibaatooyin, isla markaana ay sababeen in hoos dhac ganacsi iyo dhaqaale.

Hey’addaha Amniga dowladda ayaa bilo ka hor xiray waddooyinka qaar ee magaalada iyo jid cadayaasha, iyadoo qad cagaaran loo kala qeybiyay Xaafadaha Muqdisho, iyadoo wadada wadnaha gaadiidka ka yimaada aanay u soo gudbi karin dhanka wadada Maka Al-Mukarama illaa degmooyinka ku xeeran.