Tarsan: Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Beesheyda

Wararka Maanta

fb_img_1479547670685

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo Kursiga Aqalka hoose ee dalka, isaga oo arintaasi ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Tarsan waxa uu sheegay in Ugaaska Beeshiisa in la siiyay lacag fara badan lacagtaasi oo uu sheegay inay ka timid Madaxtooyada Somaliya.

Maxamuud Axmed Tarsan waxa uu sheegay Madaxweynaha Somaliya inuu faragelin toos ah ku haayo arimaha Doorashada Xildhibaanimada Baarlamaanka Somaliya.

“Waa sax arintaasi waa ay jirtaa mana doonaayo inaan ka hadlo oo wareysi toos ah bixiyo, Kursigii Baarlamaanka ee Beeshayda waa la ii diiday inaan u tartamo sababtoo ah Ugaaska Beesheyda ayaa dhaqaalo fara badan waxaa siiyay Madaxweynaha.” Ayuu yiri Tarsan.

Hadalkiisa wuxuu intaasi raaciyay “Wada hadal iyo dacwad ayaa socota mana doonaayo inaan arintaan ka haro sababtoo ah faragelinta intaan la eg waa wax aanan loo dulqaadan karin.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka ayaa si rasmi ah uga socota Deeganada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Comments are closed.