Bixinta Baasaboorka soomaaliga ah oo mudo Asbuuc ah la hakiyay

Wararka Maanta

War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo toddobaad ah la hakiyay bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah guud ahaan dalka.

Bixinta Baasaboorka ayaa la joojin doonaa laga bilaabo 14ka bishan September iyadoo dib loo bilaabayo 21ka bishan.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in sababaha loo hakinayo ay tahay arrimo farsamo.

“Arrimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.

Baasaboorka Soomaaliga ah oo lagu tegi karo dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa dhowr jeer hore loo hakiyay bixintiisa,waxaana xilliyada la joojiyo uu dib u dhac ku keenaa dad doonayay in ay dalka ka dhoofaan sababo caafimaad,waxbarasho,ganacsi iyo qaar kalaba.