Madaafiic ku dhacday Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Tiro Madaafiic ah ayaa goordhow ku dhacday degmada Wadajir gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka xerada Xalane oo fadhiisin weyn u ah ciidamada AMISOM iyo Ajaanib kale, Waxaana dadka deegaanku sheegeen in shan ruux oo rayid ah ku dhaawacmeen Madaafiicdaas.

lama oga halka laga soo tuuray Madaafiicdaas, waxaana dadka waxyeeladu kasoo gaartay madaafiicdaas loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo maanta Magaalada Muqdisho looga dabaal dagayo 1da Luulyo maalinta Xornimadda Soomaaliya iyo midow labada gobol Waqooyi iyo koofur. inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa xiran, waxaana dadka ka qeybgalaya xuska munaasabada 1da luulyo lagu daad gureeyey gaadiid basaska, iyadoo la geeyey garoonka Banaadir Stadium oo halkaas oo Madaxweyne Farmaajo dadka kula hadlay.