Golaha amaanka QM oo diiday soojeedin ahayd in Al-shabaab lagu daro liiska argagixisada caalamka

Wararka Maanta

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah diidmo rasmi ah ugu codeeyey qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee la doonayey in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya lagu daro argagixisada Liiska caalamiga.

Sababta Qaraarkan ay dowladda Soomaaliya uga hortimid ayaa ah in haddii Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamiga in dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhalata duqeymaha sameeyaan Xulafada Caalamiga ah ee Argagixiso la dirirka, isla markaana goobaha ay xaaladaha bani’aadanimo ka dhacdo aan la geyn karin gargaar, taasoo dowladda Soomaaliya u cuskatay walaaceeda.

Kenya ayaa dadaal badan ugu jirtay in qaraarkan uu u codeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isla markaana olole ka dhex waday Wakiilada dalalka caalamka u jooga Qaramada Midoobey

Danjiraha Dowladda federalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) ayaa olole ballaaran oo looga soo horjeedo qaraarkaasi maalmihii u dambeeyay ka waday New York.

Golaha Wasiirada ayaa horay walaac uga muujiyay arrinta codsiga Kenya ee ku aadan in Al-Shabaab lagu daro liiska Argagixisada Caalamiga ee Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 1267.