Wasiiro ergo ka ah dowlada oo raali galin ugu tagay Shiikh Shariif

Wararka Maanta

Ergo ka socota Xukuumadda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Islow Maxamed Abuukar Ducaale ayaa goor dhow tagay guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, si ay u dejiyaan xaalada ka dhalatay xanibaadii lagu sameeyay diyaaradda uu u raaci lahaa Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa ergada ay u dirtay Hoyga Madaxweyne Shariif ay tahay mid ay ku qaboojineyso xaalada kacsanaanta iyo carada ka dhalatay qaabkii loola dhaqmay Sheekh Shariif

Wararka ayaa sheegaya xubnahan uu hoggaaminayo Wasiir Ducaale ay isku dayayaan inay raalli geliyaan Shariifka, xaaladana la dejiyo, waxaana tallaabadan ay tahay mid dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku yareyso culeysyada durba ka dhashay xayiraadii lagu sameeyay Sheekh Shariif iyo dhaq dhaqaaqyada bilowday

Kulan albaabada u xiran ayaa xilligan u socdaa, waxaana isugu jira mid raalli gelin iyo hoyasho ah, waxaana la filayaa in dowladda war ka soo saarto.

War goor dhow soo baxayay ayaa sheegayay in Kulamo la qaban qaabinayay oo isugu imaanayaan Madaxdii hore iyo Xisbiyada Siyaasadda, si looga arrinsado xaalada guud ee dalka iyo qaabkii loola dhaqmay Sheekh Shariif.

Dowladda Federaalka ayaa amar ku soo rogtay shirkadaha diyaaradaha ee aadaya Kismaayo, iyadoo amarkaas looga gol leeyahay in lagu xanibo wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Axmed Madoobe