Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa xalay shir Albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shirkan oo bilowday fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa dhinaca Dowladda ku matalayey wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow. Dhinaca Ahlu Sunna waxaa ku matalayey shirkan Sheekh Shaakir iyo Saadaq Sheekh Yuusuf.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa markii dambe la isla gartay in xiisadda jirto laga wada hadlo, tabashada labada dhinacna looga arinsado kulan lagu balamay maanta galinka hore inay isugu yimaadaan labada dhinac.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadisay labada dhinac inay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya, sidoo kale Beesha Calaamka ayaa Dowladda uga digtay inay qaadi doonto haddii gacan ka hadal ka dhaco Galmudud, iyagoo tusaale ugu soo qaatay dhibaatadii ay Koofur Galbeed ka geysteen.