Birmingham City Oo Shaqada Ka Ceyrisay Harry Redknapp

Ciyaaraha

Birmingham City ayaa xaqiijisay inay ceyrisay Harry Redknapp goor dhaw ka dib markii kooxda ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub oo liita.

70 jirkaan ayaa ka soo dhaqaaqay St Andrew dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Blues ay si qoto dheer uga hoos ciyaartay dhibcaha horyaalka, lakiin waxa ay aheyd inay ku sii nagaadaan maalintii ugu danbeysay.

Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur, West Ham United iyo Portsmouth ayaa saxiixay heshiis hal sanno ah oo uu ku sii joogayo kooxda islamarkaana uu si xor ah ugu biiray suuqa kala iibsiga, iyadoo 14 ciyaaryahan oo cusub uu ku soo daray kooxda.

Bilawga ugu weyn ee xilli ciyaareedka ayaa u muuqday inay iska diiwaan galinayaan hal guul oo lix kulan oo ugu dambeysay tartamada oo dhan, taasoo ka dhigeysa inay ku jirto kaalinta 23aad ee horyaalka.

W/Q Hafsa haji