Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Victor Wanyama ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda Liverpool.
Wanyama ayaa 19-kii bilood ee ugu dambeeyay ku noolaa Waqooyiga London, isaga oo 60 kulan tartamada oo dhan ah ciyaaray, laakiin xidiga ree Kenya ayaa lumiyay booskiisa ka dib markii uu ka maqnaa inta badan qeybtii hore ee xilli ciyaareedka isagoo qabay dhaawac jilibka ah.
26 jirkaan ayaa weli u adeegi doono tababaraha Mauricio Pochettino, laakiin sida ay qortay Daily Mail, Liverpool ayaa isha ku heysa inay ciyaaryahanka keensato hadii Emre Can uu naadigaka tago.
Liverpool ayaa u muuqata in Juventus si xor ah ugu biiri karo Emre Can, waxaana ay keentay in Jurgen Klopp uu u baahan yahay inuu helo ciyaaryahan khadka dhexe ah oo leh qaab ciyaareed u dhigma xiddiga heerka caalami ee dalka Germany.
Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaa sii haysan doonta Wanyama, kaasoo qandaraaskiisa uusan dhaceynin ilaa 2021.