Warqad ka soo baxday Maamulka Galmudug uuna ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) ayaa lagu amray dhammaan Warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala Magaalada Cadaado inaysan baahin karin Banaanbaxyada iyo shirarka aan fasaxa looga heysan Madaxtooyada Galmudug.
Sidoo kale Amarkaan ayaa ku socda Hotelada Magaalada Cadaado , iyadoo la faray in aan lagu qaban karin shirar aan fasax looga heysan Madaxtooyada , Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda shirar ay leeyihiin Xildhibaanda xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed, arintana oo cirka isku sii shareertay 48 ee lasoo dhaafay.
Wasiirka ayaaa yiri : ” Ayadoo laga ambaqaadayo sugidda amniga iyo xaqiijinta xasiloonida Waxaa lagu wargalinayaa dhinacyada ay quseyso in aan la qaban karin lana baahin karin shirar iyo dibad baxyo aan fasax looga heysan Madaxtooyada Galmudug”
Warqadan ayaa muujinaysa in Madaxtooyada Galmudug dooneyso in ay afduubto saxaafadda xorta ah ee ka howlgasha Magaalada Cadaado, Wariyayaasha iyo warbaahinta ka howlgala Magaalada Cadaado ayaa inta badan si dhexdhexaadnimo ah u tabiya dhacdooyinka deegaanka, waxaana arintan u muuqataa caburin iyo caga jugleyn lagu hayo saxaafadda Madaxa Banaan.