Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Hargaysa ee Somaliland ku geeriyooday Fanaanada Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudo Carwo” oo muddooyinkii dambe ku xanuunsaneysay Hargaysa.
Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Marxuumadda saaka ayeey ku geeriyootay Magaalada Hargaysa.
Fanaanada Guduudo Carwo ayaa ah haweenaydii ugu horeysay ee Af Somali ku haysta ee laga maqlo gayiga Somaliya.
Fanaaniinta Somaliyed iyo Abwaanada ayaa waxa ay direen tacsi ku aadan geerida Marxuumada saaka ku geeriyootay Magaalada Hargaysa.