Ganacsatada qaadka Somalia oo u jawaabay kuwa Kenya

Wararka Maanta

Kadib markii uu soo baxay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa Ganacsatada dalkaasi waxa ay ku hanjabeen inay joojinayaan qaadka ay u soo iibgeeyaan Soomaaliya.

Hayeeshee waxaa hadalkaas durba jawaab ka bixiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka iibiya,kuwaas oo sheegay inay ka maarmaan iibinta qaadka,isla markaana Ganacsatada qaadka Kenya ugu hanjabi karin joojinta qaadka ay u soo iibgeeyaan Soomaaliya.

Afhayeenka Iskaashatada Qaadoolayaasha Soomaaliyeed Liibaan Maxamed Ciise ayaa sheegay inay ka maarmaan ka Ganacsiga qaadka,isla markaana danta dalka iyo dadka darteed ay u joojin karaan ka Ganacsigiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqaalaha dalka Kenya intiisa badan uu ku tiirsan yahay ka Ganacsiga Kenya,hayeeshee Soomaaliya ay leedahay Ganacsiyo kale,waxaana sidoo kale uu soo dhaweeyay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay Go’aankii dowladda Kenya.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xilligaan ah mid sii xumaaneysa,balse ay jiraan arrimo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaas.