RW Kheyre oo la kulmay Masuuliyiinta Hay’adda culimada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door ka qaataan wacyi gelinta bulshada. Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku simaha Madaxweynaha JFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeelgaarka ah maamulka Koofur galbeed. Guddoomiyaha safarka waxa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha […]

Continue Reading

Dowlednimada Yaan Lagu Ciyaarin.

Dowlednimadu waxaa lagu mithaalaa Ciyaartaa Qori isu dhiib oo kale waxaana tusaale kuugu filan Maanta waxaa jooga Madaxweyne la doortay, Shalay waxaa joogey Madaxweyne kale berinna hadii Alle idmo waxaa imanaya Madaxweyne hor leh. Waxaan arkay wareegto uu soo saaray Duqa Magaalada Muqdisho taasoo lagu sheegay in aaney waxba ka jirin Heshiisyadii ay dowladihii hore […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo Qaabilay Wafdiga Jabuuti ee Kasoo Qeyb Galay Xuska1-da Luuliyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah […]

Continue Reading

Golaha Shacabka oo wada mooshin ka dhan ah faragelinta Imaaraadka Carabta

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Mooshinkan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga furo Kulanka Baarlamaanka, si Xildhibaanada ay uga doodaan. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Xildhibaanada ayaa […]

Continue Reading

Sawirro: Dufcadii 21-aad ee ardayda cusub ee Jaamacadda Muqdisho oo usoo gabagaboobay todobaadka dhaqanka

Munaasabad aad u balaaran si wayna loosoo agaasimay looguna soo gabagabaynayay todobaadka dhaqanka Jaamacadda Muqdisho dufcadii 21-aad ayaa lagu qabtay xarunta ugu wayn Jaamacadda Muqdisho. Munaasabadan oo ay ardayda lagu barro nidaamka jaamacadda udagsan iyo sida ardayga ula jaanqaadi lahaa inta uu ku guda jiro sahanka waxbarashada iyo macluumaadyo kala gedisan oo lagu dhisayo garaadka […]

Continue Reading

Norway oo dib u celinaysa 1,600 oo Soomaali ah

Waaxda Socdaalka dowladda Norway ayaa sheegtay in ay  dib u soo celin doonto Qaar ka mid ah Qaxootiga Somalieed ee ku sugan dalkeeda. Dowladda Norway ayaa sheegtay in dadkaan ay haboon tahay in dib loogu celiyo dalkooda , madaam waaxda Socdaalka dalkaasi ay sheegtay in Somaliya ay amaan tahay. Waaxda socdaalka ayaa ku dhawaaqday in […]

Continue Reading

Sawirro: Ururka u dooda xaquuqda haweenka oo warqad furan u diray Madaxda dawlad goboleedyada

Ururka u dooda xaquuqda haweenka ee SGEM (KSJS) ayaa warqad furan u diray dawlad goboleedyada Soomaaliya. Warqadaa ayaa ku socotay Mudane C/Weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland,  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane C/Kariim Guuleed, Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug […]

Continue Reading

Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Heshiiskii MOU ee is fahamkii labada dal gaareen si […]

Continue Reading