Wararkii ugu dambeeyey deegaanada Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa deegaanada Galmudug saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay dhacdooyinka kala duwan.

  1. Xalay ayaa waxaa Askari boolis ah lagu dilay degmada Hobyo, kadib markii ciidan beeleed weerareen xarunta Madaxtooyada Hobyo, halkaas oo Askartii Booliska iska caabiyeen weerarka, waxaana Askarigii geeriyooday saaka lagu Aasay Hobyo, waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay in dajiyaan xiisad ka dhalatay dilka askarigaas, sidoo kale waxaa la filayaa in la soo xiro raggii dilka geystay.
  2. Sidoo kale Duleedka Cadaado ayaa xalay lagu dilay Askari ka tirsan xoogga dalka qeybta 21aad, Askarigaan ayaa dilkiisa lagu eedeyey maleeshiyo ay isku heyb yihiin Askarigii Hobyo lagu dilay, maamulka degmada Cadaado iyo ciidamada Ammaanka ayaa ku howlan sidii loo soo qaban lahaa maleeshiyada dilka geystay.
  3. Dhanka kale maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda Guriceel iyo Balanbale ayaa maanta ku dagaalamay deegaan u dhow Balanbale, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
  4. Magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug waxaa maanta dib ugu laabtay Axmed Ducaale Xaaf oo muddo todobaad ah ku sugnaa Gaalkacyo.
  5. Gaadiidkii Xamuulka Kunteenarada ayaa shalay ka ambabaxay Cadaado, ciidamada Ammaanka ayaa Cadaado ka galbiyey gaadiidkan, waxayna gaadiidkan ku sugan yihiin magaalada Dusmareeb, lama oga sababta ay ugu ugu hakadeen Dusmareeb.

Dhacdooyinkan wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com