Deegaanka Caad ee Koorfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa ka socda Dagaal marba marka ka danbaysa sii Xoogaysana oo u dhaxeeya Shacabka Xoola dhaqato ah iyo Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, ayadoo marka horaba usan Aqligaagu yeeli karin in Bulsho Xoola dhaqato ah ay Dagaaal qaatay waqti ku dhow 72 saac kula jiraan Al-shabaab oo u babacdhiga Dowladdo is bahaystay oo Diyaarado wata, waxaa xanuun kale leh Ujeedku ay Al-shabaab ula dagaalayaan dad reer guuraa ah!
Dagaalka ayaa dhashay kadib markii Jihaadiyiin ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo kasoo kicimay Degmada Xarar-dheere ee isla Gobolka Mudug ku amareen Waaalidiinta reer guuraaga ah ee Deegaanka Caad oo hoostaga Xarar-dheere keenaan Caruurta Da doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 Sano si ay u askareeyaan oo ay uga barbar Dagaalamaan Mustaqbalka dhow, waxayna doonayeen inay Caruurta u kaxaystaan Degmada Xarar-dheere oo ah Saldhigooda ugu wayn ee Degaanada Maamulka Galmudug halkaas oo sida la sheegay ay ku leeyihiin Xareyo loo diyaariyay Askaraynta Caruurta iyo Cidkasta oo ku biiraysa Kooxda,
Bulshada Xoolaha dhaqatada ayaa ka biya diiday dalabka Al-shabaab waxaana u cuntami wayday in laga kaxaysto Caruurtii Xoolaha u ilaalin lahayd ama biya Ceelashada uga dooni lahayd waxayna go’aan sadeen inay Dagaal la galaan Kooxda doonaysa inay wataan Dhalaankooda, Dagaalka oo socda ku dhawaad Todobaatan iyo labo (72) saacadood waxaa jira Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac ayadoo wararka sheegayaan in Khasaaruhu ku badan yahay dhinaca Al-shabaab,
Waxaase muuqata hadii Dagaalku sii sococdo in Xoola dhaqatadu aysan awoodi karin Dagaal dheer oo ay la galaan Koox Dagaal kula jirta Dowladdo is biirsday sida Howlgalka Amisom ee Wadamada Itoobiya, Uganda, Jabuuti Kenya Burindi kuwo kale oo cadaan sida Maraykan iyo Ciidanka Dowladda Somalia Halka Xoolaalaydu aysan haysan wax ka badan hal hal AK7 oo kaliya ama Qoryaha Gacanta oo la tiri karo Rasaasta ku jirta mana jirto Gurmad ay ka heeleen Maamulka Xaaf iyo Dowladda dhexe, Basle maaha Dad niyad jabaya ee qaarkood oo Warbaabinta la hadlay ayaa sheegay in aysan joojin doonin Dagaalka ka dhan ah Al-shabaab inta lagu haysto Ilmahooda, waxaana muuqata in Al-shabaab oo sheegta inay ku jihaadaan Amisom iyo Ciidanka Dowladda markaan ayaga Reer Guuraagu ku jihaadayaan.
Al-shabaab ayaa intii uu socday Dagaalku waxay Dab qabadsiiyeen Xaafado ay Qoraxda iyo Qabowga ka gali jireen ku dhawaad 800 Boqol oo Qoys waxaana baraykacay Haweenkii iyo Caruurtii ayadoo Shabaabku u sheegeen Dadka Degaankaas inta diidan yihiin Dalabkooda ay dhiigooda iyo Xoolahoodu banaan yihiin, Dadka reer Caad ayaad moodaa in la lagu fiirsanayo Cadowga, dhibka ugu wayn ee haysta uu yahay inaysan xitaa heli karin Xaruun Caafimaad oo ay ku dabiibtaan kooda ku dhaawacma Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab Magaalada Cadaado ayaa ugu dhow Isbitaal wax looga qaban karo dhaawacyada Halista Waxayna Deegaanka lagu Dagaalayo u jirtaa ku dhawaad 200 Boqol oo KM mana Awoodan mararka qaar Gadiidkii masaafada intaas la eg kasoo qaadi lahaa dhaawacyada, waxaa dhacday in qaarkood Geedaha hoostooda Dhiigbax ugu dhinteen halka Kooxda la Dagalaaysaa ay dhaawacooda si fudud u gaysan Karaan Magaalada Xarardheere.
Ugu dambayntii aan ku laabto Ciwaanka Qormadayda kuna lifaaqo talo kooban ee yaan Shacabka Caad Shabaab yaan lagu fiirsan, ayagoo ubaahan Gurmad iyo Gacansiin ay Dhalaankooda ku difaacaan karaan, Sida Gacan Milatari oo ay ka heelaan Maamulka Degaanka ee Galmudug iyo Dowladda Somalia oo waajib ka saaran yahay Difaaca Shacabkooda balse haatan u muuqda kuwo sheeda ka eegaya Xasuuqa lagu hayo Bulshadii ay u dhaarteen oo hadii Caruurtooda Al-shabaab wataan noqo doona Cududa kasoo horjeeda ee ayaga isku Qarxin doona, Xildhibanada iyo Wasiiradda laga soo doortay Deegaanka oo qaataa Kaalintooda gurmad, Waloow Waqti xaadirkaan aysan qarkood warba ka hayn Colaad iyo Nabad wax ka jira Caad halka inta ogina kaalintoodu noqotay Meeqa laga dilay Dadkii aan malataynay, iyo Ganacsatada, Jeebnoolka iyo Dhaqaatiirta Deegaanka oo dhan kooda Hurdada kakaca ee yaan Shacabka Caad Shabaab lagu fiirsan.
W/Q: Ali Yare Abdiwahaab Aden
Email Caliyareg@gmail.com