Dowlada federaalka oo war kasoo saartay arinta Ciisa tarbuun

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrin saacadihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay, kaasoo ahaa nin lagu magacaabo Ciise Tarbuun oo Booliska Kenya ay sheegeen inuu gudaha u soo galay dalkooda, iyadoo ninkan oo horay dowladda Federaalka u qabteen labo sano ka hor lagu tilmaamay inuu ahaa Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsan Muqdisho.

Hadal heynta ka taagneyd ninkan iyo sida looga fal celiyay baraha bulshada, oo ay ka hadleen siyaasiyiin iyo Xildhibaano, kaddib markii Booliska Kenya ay shaaciyeen inuu dalkooda soo galay 24-kii bishan ayaa ka dhashay weydiimo kala duwan iyo sida ay ku suura gashay inuu dalka ka dhoofo.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, kuna saxiixnaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadam Isaaq ayaa lagu sheegay in Ciise Tarbuun oo magaciisa dhabta yahay C/waaxid Khaliif Cabdi uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun Maxkamadeed.

Aadan Isaaq ayaa sheegay in Ciise Tarbuun loo xiray sanadkii 2017 eedeymo la xiriira fal argagixisnimo, dacwadiisa ay qaaday Maxkamadda Ciidamada, laguna xukumay 2 sano oo xarig ah.

Inkastoo wasiir kuxigeenka uu sheegayo in ninkan la xukumay, hadana bishii June ee sanadkii 2017 oo ahaa xilligii la qabtay ayay dowladda ku tilmaamtay inuu yahay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsan Muqdisho, isla markaana loo heysto dilal badan oo amarkooda uu lahaa, wixii markaas ka dambeeyay lama soo bandhigin maxkamadeyntiisa, mana lala wadaagin warbaahinta, sida haatan ay dhacdo xukunada ay fuliso Maxkamadda Ciidamada.

Booliska Kenya ayaa baadigoobaya Mr C/waaxid, kaasoo la sheegay in 24-kii bishan uu gudaha u galay dalkooda, waxaana ay shacabkooda ku wargeliyeen inay u soo sheegaan cidii aragta saldhigga ugu dhow.

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli taagan su’aalaha ay dadka qabaan ee ah in markii hore dowladda Soomaaliya ku faantay soo qabashada ninka iyo in markii la soo qabtay shir jaraa’id uu qabtay Wasiirka Amniga, kaddib shir degdeg ah oo Golaha Wasiirada ka yeesheen.