Erdogan oo maanta Booqanaya Khaliijka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta booqasho labo maalmood qaadaneysa ku tegaya Gacanka si uu u xalliyo khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa hadal uu jeediyay kahor inta uusan ambabixin ku eedeeyay cadow uusan carrabaabin inay xiisad ka dhex abuurayaan waxa uu ugu yeeray walaalaha gobolka.

Bishii June, dalalka Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qadar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada ayna xiriir la leedahay Iiraan.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in rajada madaxweyne Erdogan ee ah inuu wax xalliyo ay aad u yar tahay sababtuna ay tahay inuu la saftay Qadar.

Xigasho: BBC