Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ka dhacday xaflad xil wareejin ah, uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaradda Hawlaha Guud mudane, Xildhibaan. C/fataax Maxamed Ibraahin (Geesay), waxa wareejiyey Wasiirkii hore mudane Saadiq Cabdullaahi Cabdi.
Xilwareejintaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xaamud iyo shaqaalaha Wasaaradda. Wasiir Cabdifitaax Geesey ayaa noqonaya wasiirkii saddexaad ee xilkaan qabta intii ay jirtay xukuumadda Kheyre, Cabaas Siraaji oo lagu dilay Muqdisho iyo Eng Saadaq ayaa ka horeeyey Geesey.