Doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi oo maanta kabilaabatay mudisho

Wararka Maanta

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobalada Waqooyi ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana la doortay ilaa iyo Lix xildhibaan, Iyadoo Xubnaha la doortay ay ka mitahay Muno Cumar Xasan oo ka tirsanayd Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale xubnaha la doortay waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mudo badan ka soo tirsanaa xubnaha Baarlamaanka ee golaha shacabka.

Halkaan ka Akhriso xildhibaanada maanta la doortay.

1;Xildhibaan Cabdi Xaashi cabdulaahi.
2:Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac.
3:Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax
4:Xildhibaan Muna Cumar xasan
5:Cabdikariin Maxamed Xasan
6:Iyo Cabdirisaaq Axmed Cali
Marka laga soo tago kuraasta maanta la doortay waxaa dhiman ilaa iyo shan kursi oo kale kuwaasi oo ay ku tartamayaan xubnaha ka soo jeeda gobalada Waqooyi waxaana lagu wadaa doorashadaasi inay dhacdo maalinta Isniinta ah oo ku beegan Beri.

Doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi umatalaya dowlada federaalka soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore doorashadooda dib udhac badani kutimid hase ahaatee waxaa hada lagu wadaa in ay dhaqsi kusoo gabo gabowdo