Maxaa ka cusub Khilaafka Siyaasadeed Galmudug?

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maalmahaan dagan xaalada siyaadeed ee dowlad goboleedka Galmudug, Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeelgaarka ah Galmudug ayaa laga dareemayaa hoos u dhac ku yimid dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee maalmo dhaweyd ka jiray.

Dadweynaha ayaa ku jahwareeray halka ay wax u socdaan, waxayna inta badan aaminsan yihiin C/kariin Guuleed uu la haray Galmudug, halka xildhibaanada badankood aysan waxba dhaamin oo dantooda kaliya eeganayaan.

Dhankale xildhibaanada federaalka ee Galmudug laga soo doortay oo uu hogaaminayey xildhibaan C/raxmaan Odawaa wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka ayaa ku guuleystay in ay xiisadda qaboojiyaan.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho u safray gudoomiye ku xigeenka 1-aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo hoggaan u ah xildhibaanada xilka ka qaaday Guuleed, waxaana ay muqdisho kula kulmeen xubno ka socda beesha caalamka, waxaana laga dalbaday qodobo ay ka mid yihiin:

  1. In xildhibaanadu dib u dhigaan doorashada ay wadaan ilaa 15 Feberaayo.
  2. In xildhibaanadu la yimaadaan cadeeymo xil ka qaadista Madaxweynaha Galmudug, iyagoo sharci ahaanshaha arintaan u gudbinaya Wasaaradda Cadaalada Federaalka, xeer ilaaliyah qaranka iyo beesha caalamka.

Dhanka kale Madaxweyne Guuleed ayaa awoodiisa isugu geeyey olalaha doorashada Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dadaal badan ku bixinaya sidii Xasan kursiga ugu soo laaban lahaa, isagoo aaminsan hadii Xasan soo laabto in xal loo heli karo xilka qaadista lagu sameeyey.

Waxaa laga wardhowrayaa doorashada Soomaaliya oo dhaceysa 8 Feberaayo, taas oo jaangoyn doonta halka Galmudug u dhaqaaqi doonto.