SAWIRO:Xildhibaanada Galmudug oo laga hor istaagay furitaanka kalfadhigoodii maanta

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu maanta hor istaagay kala fadhigii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in kulanka Baarlamaanka looga hadli lahaa sidii xilka looga qaadi lahaa gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan in ay la xisaabtamaan madaxda maamulka Galmudug.
Duraan ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ay hor istaageen ciidamo uu watay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug .
maanta oo lagu wday in kalfadhiga xildhibaanada kafurmo magaalada cadado ayaa waxaa is hortaagay kulanka xildhibaanada ciidanka ilaalada madaxtooyada islamrkaana u diday xildhibaanada in ay gudaha u galaan
sidookale shirjaraaid oo maanta magaalada muqdisho kuqabtay gudoomiyayha baarlamaanka galmudug cali gacal casir ayuu sheegay in fasaxa xildhibaanada lagudaray mudo 45 cisho ah isagoo usababeeyay abaaraha kajira deegaanada maamulka galmudug
xildhibaanada maamulka galmudug ayaa mooshin kawada gudoonka baarlamaanka waxaana xildhibaanada ku garab ah gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlmaanka xareed cali xareed islamarkiaana isagu taageersan mooshinka gudoomiye cali gacal casir
maahan markii uhoreysay ee baarlamaanka galmudug loodiido in ayyeeshaan kalfadhigooda caadigaa hase ahaate kol hore ayaa sidaan oo kale loodiiday xildhibaanada in ay madaxtooyo kushiraan

15823246_1235218676514813_2828380119846932324_nfb_img_1483800824375 fb_img_1483800817934 fb_img_1483800813422 fb_img_1483800799703 fb_img_1483800809015