Galmudug oo hanbalyo u dirtay Madaxweynaha cusub Hirshabelle

Wararka Galmudug Wararka Maanta

WAR SAXAAFADEED

Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay hambalyo udireysaa Madaxweynaha cusub ee
Dowlada Goboleedka Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waraare loo doortay
Madaxweynaha cusub ee Dowlada Goboleedka Hirshabelle oo manta lagu doortay magaalada
madaxda maamulkas ee Jowhar.

Sidoo kale Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku dhiirigalineysaa Madaxweynaha cusub ee
Dowlada Goboleedka Hirshabelle in uu hogaan adag u noqdo soona dadajiyo golaha xu kuumada
Hirshabelle.

Ugu danbayntii Dowlada Galmudug waxa ay markasata ku faraxsanatahay soona dhaweyneysaa
midnimada Lagabada Gobol Hiiraan iyo Shabellada dhexe oo ay ka dhalatay Dowlada
Hirshabelle oo aan aaminsanahay, in dhabar adeeg iyo isu tanaasul lagu soo dhisay ,waxaana
laga rajeynayaa inay dooran doonaan hogaan wanaagsan oo u hurseeda shacabka reer
Hirshabelle Horumar xaga Amniga , siyaasadda , Dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta .

DHAMAAD
Xafiiska Madaxwynha Dowlad Goboleedka Galmudug

Tagged