Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la soo gaban gabeeyey

Wararka Maanta

gudoonka barlamaanka cusub

Doorashada Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan tartarkan oo ka adkaa kii shalay lagu doortay Maxamed Cismaan Jawaari gudoomiyaha barlamaanka, Tartankan ayaa maray laba wareeg, waxaan wareegii labaad natiijadu noqotay in Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey  loo doorto guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka Soomaaliya halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.

Muudeey ayaa  kaga adkaaday  Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay ku tartameen isaga oo helay 161-cod, halka Faaraax uu ka helay 93-cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada.

Dhanka kale Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo gaba gabeeyay, taas oo ay ku tartameen Labo Musharax Wareega sadaxaad.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad Mahad C/lle Cawad oo helay 171-cod ayaa noqday Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

Guuldarada soo wajahday Faarax C/qaadir ayaa u muuqato in ay guul daro ku tahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay saaxiib dhow yihiin.