
Beesha Caalamka ayaa muujisay sida ay uga walaacsan yihiin khilaafka cusub ee u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug iyo Barlamaanka maamulkaasi.
Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen Qaramada midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub, urur goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Maraykanka ayey ku sheegeen in ka walaacsan yihiin khilaafkan cusub.
Khilaafkan ayaa keenay in Barlamaanka kalsoonidii kala noqdaan Madaxweyne C/kariin Guuleed, halka Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamaanka ay ku tilmaameen arintaan sharci darro ayna horsoodi karto xasilooni darro siyaasadeed.
Beesha Calaamka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Galmudug, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibaanada in ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal, kana digtoonaadan gacan ka hadal wax u dhimi kara xasiloonida deegaanka.
Beesha Caalamka ayaa ka codsatay bulshada Soomaaliya oo ay ku jiraan ciidamada Ammaanka in xoogga la saaro sidii loo ilaalin lahaa Horumarka laga sameeyey maamul dhisidda Soomaaliya, iyo doorashada dalka ka socota.