Dil lagu xukumay Dhaliyaro horey u dilay Suldaan Hilowle Xeefoow (Sawirro)

Wararka Maanta

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday laba eedeysane oo loo heystay in ay dileen Allaha Unaxariiste Suldaan Hilowle Xeefoow Xuseen, oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada dowlada federaalka soomaaliya.
Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u aqriyay xukunkii ay ku riday Maxkamadda darajada 1-aad…
” Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed.

Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-
1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.
2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin ururk Al-shabaab gaar ahaan qaybta fulisa dilalka gaadmada ah, Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen islagoobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo .

DOOD DHEER KADDIB.
Maxkamaddu
Markay Aragtay:- qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keeroow iyo C/raxmaan Ciise cali fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda degmada dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaalo degmada wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay kusoo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay:-Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay la kulmeen labada edaysane oo dilaya nin oday ah meel masaajidka u dhaw kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta iyagoo xabada kusoo riday markii xabada lays waydaartayna ay iyagu dhaawacmeen sidaasna looga qaaday hubkii ay wateen laguna xiray.

Markay Aragtay:- Dambi muujinta la horkeenay maxkamada horteeda ay ka mid tahay Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha,qiraalada laga qoray eedaysanayaasha,warqada cadaynta dhimashada marxuumka,sawirka marxuumka iyo hubkii loo isticmaalay falka dilka ah oo ah labo bastoolad oo makaaroof ah iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.
Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in:-
1- C/raxmaan Ciise cali fiidoow.
2-. Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen .

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

Wabillaahi Towfiiq.”

20915200_723692017827272_668061405138069414_n 20915337_723692194493921_2733875867728647952_n 20915566_723692057827268_1890890304341908753_n 20953199_723691834493957_7411310853580326734_n 20953272_723692174493923_7307910312993208208_n 20993051_723691987827275_55726250225112435_n Maxkamad